YAA MAALI JIRAY MAANDEEQ

abdi aden.JPG (86K, 389 x 389)

     

MAXAA SOOMAALIYA LOO QEYBSHAY AMA LOO QEYBINAYAA?

 

Maalmahaan waxaa oognaa muran ka dhan ah garyaqaan Kiinyaan ah oo ku tibaaxay wargeyska nation, in Kiinya iyo Itoobiya qeybsadaan Soomaaliya. Garyaqaanka Kopkorir oo warkiisa ay Soomaali badan ka carootay xaggayga iguma noqon la yaab iyo  waxaan dhicin karin.

Ragga S/liyeed ee ka dooday arrintaas ee aan akhriyey qoraalladooda waxaa ka muuqatay dalyahannimo iyo qabkii dhaladka ahaa, balse waxaan oran lahaa: dabayluhuba waxay keenaan waxaan doonyuhu jeclaysan.

 

Taariikhda S/liyeed ee qoran intaan dhex xulay waxaa ka buuxa colaado baaxad weyn iyo dhul-furasho baahsan. Qarnigii 19aad markii dawladihii reer Yurub qeybsadeen dhulalkii S/liyeed, waxay kaloo oggolaadeen in qeybo ka mid ahaa dhulkii S/liyeed la hoos geeyo Itoobiya iyo Kiinya. Haddii la isu qiyaaso baaxadda dhulalkii la hoos geeyay dalalkaas iyo labadii qeybood ee sameeyay jumhuuriyaddii S/liya, waxaa la arkii karaa in qeybaha hore ka baaxad weyn yihiin kuwa dambe. Haddaba maxaa diidaya in qeybihii xorta ahaa ay maanta maraan halkii walaalahood la mariyey?

 

Awooddii hore loogu qeybshay S/liya kama imaan dalalkii dariska ahaa ee waxay ka timid xoogaggii dunida ugu itaal roonaa waayahaas ee masiixiga ahaa. Waxaa horseed ka ahaa Ingriiska oo asagoo heshiis maxmiyadeed “protection agreement” la leh reer gurigii S/liyeed oggolaaday in Boqortooyadii Amaxaaradu qabsato Harar 1887dii. Markaas ay qabsashadu socotay waxaa si ku talagal ah dadkii S/liyeed looga dhawray wax huba, iyadoo si weyn loo hubeeyayay ciidammadii Amxaarada. Wali asagoo Ingriisku la leh heshiisyadii dadkii S/liyeed buu kas uu hoos geeyay Itoobiya Dhulkii Hawd iyo Dhulkii Keydka ahaa 1948dii iyo 1954tii. Dhulkii Degmadii Seeraha Waqooyi- NFD, markii Shacabkii S/liyeed ku codeeyeen inay la midoobaan walaalahoodii xornimada qaatay 1960kii, Ingriisku kas buu u dhagray oo u baal maray rabitaankii dadkii isaga raaciyadda u ahaa.

 

Su’aashu waxay tahay maxaa Ingriisku intaas oo dhagar ah uga galay shacabka S/liyeed?

 

Jawaabta waxaan ka helaynaa qoraalladii ay sameeyeen Richard Burton  qarnigii 19aad iyo I. M. Lewis/ka hadda nool. Raggaas ujeeddaday isugu hawleen barashada bulshada iyo dhulalka S/liyeed ma aheyn madadaalo iyo dookh nafeed toona, ee waxay u shaqeynayeen danihii istraatiijiga ahaa ee Ingriiska. Nasiib darro, xogtay ka keeneen dadkii S/liyeed, waxay aheyd mid dhib u keeni kartay danahii istraatiijiga ahaa ee Boqortooyadii aan calaankeed gabbashu ka dhici jirin. Waxay labada aqoonyahan isku raaceen in dadka S/liyeed yihiin isir kulul oo jumhuuriya….fierce rebuplican race.  Waxay kaloo tilmaameen in S/lidu tahay ummad aad u qab weyn, taas oo gaarsiisan ilaa heer waalli ah. Ingriiska oo mar ah caddaan, marna ahaa dawladdii dunida ugu itaal roonayd ma qaadan karin, mana qaadan in, nin madow oo sabool ah iskala weynaado. Waxaa halkaan ku caddaatay maahmaahdii S/liyeed: labo ma heshiiso waa nin qab weyn iyo nimaan u qabin e.

 

Sida ku cad qoraallo dhawr ah, waxaa Ingriisku ka baqay in haddii dadkaan ah isirka kulul lagu mideeyo dhul qura oo leh dawlad qarameed mida, ay dhici karto in maamulkey sameeyaan awood ku yeesho ilaa marinka Baab Al-Mandab.

Marinkaas oo ay badda cas ka bilaabato, kuna darsanta Jeexa Suweys, waxaa ku goosha maraakiib ganacsi iyo kuwo dagaal oo aad u tiro badan (qiyaastii u dambeysay 48,000 oo markab sannadkii). Waa marinka lagu tilmaami karo, marin weynaha badaha “highway of the seas”. Boqortooyadii Ingriiska oo qarnigii 19aad iyo kii 20aad ku laheyd maxmiyado tiro badan meelo dunida ah, maraakiib badan oo ay leedahayna mari jirtay marinka Baab Al-Mandab, waxay ka yaabtay in haddii Soomaali yeelato dawlad qarameed u talisa, dhulalka Soomaalidu dagto ay awood ku yeelan karto marinka kor ku sheeggan. Waxaa nuskii dambe ee qarnigii 20aad u awood batay dunida, dalalka USA iyo Midowgii Soofiyeetka. Waxay labaduba ka dhan noqdeen abuurista dawlad qarameed dhammeys ah ee S/liyeed. Labaduba waxay daneynayeen;

1-istraatiijiyad ahaan, waxay kale mid ahaayeen tii Ingriiska oo waxaa u muuqatay Soomaali oo seere la leh Gacanka Cadmeed ama Khaliij Al-Barbar oo ku xirma Baab Al-Mandab, haddii awooddeeda dhul fiddo ay cududdeedu fidi doonto, si sahalnna u kulaali karto marinka Baab Al-Mandab.

2-labadii xoog ee dunida u itaal roonaa waxay diin ahaan wadaagaan masiixiyadda. Sidaas darteed waxay ka mideysnaayeen inay dhan ka wada noqdaan colaadaha islaamiga ah ee ku wajahnaa Itoobiya iyo Kiinya oo ay mar walba ka talinahayeen talisyo masiixiya. Tan hore waxay kula jirtay dadyowgii muslinka ahaa ee geeska Afrika dagaallo socday in ku dhow 800 oo sano, walina ka hugmaaya geeska.

 

Waxaa ka horreeyay xoogaggii Ingriiska, Maraykanka iyo Ruushka, Bortuqiiska oo asagu gurmad ugu yimid Abasiiniya horraantii qarnigii 16aad, markii Saldannadii Awdal/Cadal ee S/liyeed ay qabsatay Abasiiniya idilkeed. Ciidammadii Burtiqiisku waxay gacantooda ku dileen geesigii Axmad Ibraahim Garaad (Gurey). Ka hor markaas waxay gubeen Saylac oo aheyd xarun ganacsi oo doora. Waxay kaloo gubeen Baraawe oo ay ku gawraceen dad aad tiro badan, hanti badanna ay ka dhaceen.

Sidaas awgeed kunkii sanoo ugu dambeeyay waxaa ku socday Soomaaliya qorshe loo midoobay oo lagu wiiqiyey awooddeeda. Waxaa dhinac socday dhaqdhaqaaqyadii ciidan ee lagu naafeynayey Soomaalida, olole xagga dicaayadda ah; waxaana ka mid ahaa inaan Soomaalidu laheyn waligeed dareen qarannimo “nationalism feeling” ee ay waligeed aheyd qabiillo, sidii iyadoon dunida kale ee qarannimmada sheegtay aysan laheyn qolooyin iyo qeybo kale duwan. Si ujeeddadaas dambe loogu sunto baa dawladda hadda jirta lagu unkay Nayroobi, iyadoo lagu dhisay hab-qoleed. Waxaa wali socda olalihii caanka ahaa ee Soomaali qarannimo ma leh ee waa qolooyin iyagu isu qooro weyn. Waxaa caawinaya arrintaan nacabnimo, maangaabka S/liyeed ee u heellan toleysiga aan tayada laheyn.

 

In kastoo dawladahii awoodda lahaa ee waabka galbeed iyo kan bariba ay si cad isu garab taageen talisyadii Itoobiya, kuna muujiyeen hiilladooda inay masiixiyadda ka horjoogaan xoogagga islaamka ah ee ku hareeraysan, haddana mar walba waxaa ku lifaaqnaa dano dhaqaale. Tusaale ahaan qarnigii 15aad iyo 16aad dawladdii Bortuqiiska ee ugu itaal rooneyd waabka galbeedka, waxaa dhaqan u ahaa maraakiibteedii dagaalku inay xeebaha Afrikada Bari si joogta ah u boobaan. Waxay raxan maraakiibihi ku gabban jirtay Raas Caseyr, waxayna halkaas kula wareegi jireen badeecooyinkii badna ee aaggaas mari jiray. Wuxuu kaloo gaaray boobkoodii xeebaha badda cas. Waxaa cudud ahaan u dhigmay Bortuqiiska Imbaroodooriyaddii Cusmaaniyiinta oo iyadu gacansaar la laheyd saldannadihii muslinka ahaa ee geeska Afrika, Waxayna labada dhinac si joogta ah ugu hardamayeen marin-badeedyada ku beegan xeebaha S/liya.

 

Xilliyadaan dambe dawladaha awoodda leh ee ka dhanka danaha  S/liyeed kama marna dano dhaqaale. Balse sababta burburka loogu hayo S/liya baa la oran karaa inay tahay dano dhaqaale sida; hey’adaha samafalka oo haddaan balaayo jirin aan dhaqaalaha dhawrtada ah ee tirada badan oo ay helaan uu istaagi karo. Halkaan waxaa ku cad oraahdii: qolo balaayadeed waa baraaraha qolo kale. Maantadaan la joogo dawladaha dunidu waxay ku fooraraan dhaqaale tabac, mana jirto cid u hawlgaleysa waxaan dano dhaqaale ugu jirin.

 

Gunaanad        

Markaan soo hoobinno, waxaa Soomaaliya looga horjeeday walina looga horjeeda labo qodob; dano istiraatiiji ah oo meesha S/liya dhacdo sabab u tahay iyo diinta islaanka oo loo arkay inay S/lida geeska Afrika khatar ku tahay masiixiyadda bariga Afrika.

 

Waxaa la yaab leh dh/dhaqaaqyada maanta jira ee S/liyeed waxay caddeyn u noqdeen cabsidii dhawrka qarni laga qabay dhanka S/lida;

Mid waa dh/dhaqaaqyada islaamiga ah oo ku baaqay in ilaa Addis Ababa  jihaad lagu tago, midna waa burcad-badeedka muujiyey inay maraakiibta mareysa Khaliij Al-Barbar ama Baab Al-Mandab ay carqaladeyn karaan. Sidaasna ay Soomaali awoodi karto inay saameyn ku yeelato dhaqaalaha dunidoo idil.

Ugu dambeyn ammaa annagoo isla qumman aan gacmaheenna ku wadannaa mindiyihii nala ku qali lahaa?

 

Doqontaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane

Ma anaa la ii qarshaa, mindiyo la igu qali doono

            Faarax Nuurre

 

 

Cabdi Jaamac Aw-Aden

Abdiaden1957@yahoo.com