Ujeeddo: Cilladayn Xeerka Madaxweynaha oo lagu magacaabay degmooyin cusub.

 

Maalmihii la soo dhaafay websaydyada qaarkood iyo idaacadaha waxaa laga ogaaday go’aan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha  ku meel gaarka ah , kaas oo tuulooyin ka tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud  ku magacaabay degmooyin.

Arrintaas dadweyne aad u farabadan ayaa su’aalo iska weydiinaya, beelaha qaarkoodna waxay gelisay walwal iyo dhiillo.

Su’aalahaasi qaarkood waxay ku aadan yihiin arrimo la xariira  shuruucda iyo  qawaaniinta,khaasatan awoodda  (legitimacy)dawladda ku meel gaarka  inay soo saari karto go’aan noocaas ah iyo inay martay hab-raacii loo baahnaa(procedure),qaarkoodna  waxay ku saabsan yihiin arrimo haddii deegaannadaasi buuxiyeen shuruudihii xagga baaxadda iyo xagga dadka (territorial and population conditions).

Dawladda ku meel gaarka waxay u dhisan tahay inay fuliso barnaamij kooban oo mucayyin ah,sida lagala soo dhexbixi karo cahdiga(charter) ay ku dhisan tahay iyo mabaadiida guud  ee qaanuunka iyo curfiga caalimiga ah(law and custom principles), barnaamijkaasna ka mid ma aha  inay wax ku kordhiso ama wax ka beddesho qaab dhismeedka iyo xuduudaha gobollada iyo degmooyinka dalka.

 

Tirada gobollada iyo degmooyinka iyo xuduudahooda waa arrin xasaasi ah oo saamayn ku yeelan karta  isu dheelli tirnaantii gobollada iyo degmooyinka iyo xataa isu dheellitirnaanta  kuraasta barlamaanka Qaranka.

Waxaa imaanaya in haddii meel tuulo ah laga dhigo degmo ay lagama maarmaan noqonayso in la siiyo saami kuraaseed heer gobol,isla markaasna gobolku uu kaga xisaabtami doono saamiga uu ku yeelanayo  baarlamaanka qaranka inta degmooyinkiisu yihiin.

Caddadka gobollada iyo degmooyinka, xuduudahooda iyo masaafada ay isu jirsanayaan waa arrin  ka baxsan ikhtisaaska dawlad ku meel gaar ah oo ay leedahay dawlad ka dhalatay baarlmaan la soo doortay, ayna tahay in uu oggolaado golaha wasiirada kaddibna baarlamaanku sharciyeeyo, sidaas darteena ma aha arrin  ay ku takri falikarto, iyadoo , sida laga garan karo cabashada Wasiirka arrimaha gudaha aan xataa la hor keenin golaha wasiirada.

Dhinaca kale, markii lays weydiiyo in degaannadaas ay buuxiyeen shuruudihii baaxadda iyo  dadweynaha, qaarkood waa la dhici karaa  waa buuxin karaan,sida Guriceel oo kale  oo ah deegaan aad u camiran, hase yeeshee waxaa jira kuwa kale oo innaba  aan buuxin shuruudahaas, waxaana miitaal loo soo qaadan karaa tuulada Xeraale.

Xeraale  waxay u dhaxaysaa laba degmo oo  iyagu  isu jira  90km (Caabud Waaq iyo Balanballe}, mid walbana waxay u jirtaa 45km, sidas darted  waxaa meeeshaas ka maqan shardigii baaxadda  oo ahaa in degmooyinka isu jirsadaan 100km ugu yaraan

Markii la fiiriyo  xagga dadwenaha,waxaa lagu qiyaasaa  in Xeraale  oo ay ku yaalliin xoogaa baraaga ah iyo xoogaa guryo ah ay ku nool yihiin dadweyne aan  gaarayn  1000 qof.

 Xeraale oo degmo loo aqoonsado waxay faylo goyn ku noqonaysaa labada degmo ee /Waaq iyo Balanballe.

 

Arrintani waa in lala sugo dawlad ka dhalata  barlamaan la soo doortay,haddana  la horgeeyo golaha wasiirada  oo laga dodo go,aan  noocaas ahna laga soo saaro .

 

Prof. Abdullahi Mohamed Mah

Hore wasiirxigeen Arrimaha Gudaha.